galbeed
(m.l)Dhanka qorraxdu u dhacdo; bogox, bugux.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh galbeed ↴
afar-jiho [m.dh]
(juqr.) Afarta geesood ee muhiimka ah ee kambaska: woqooyi, koonfuri, bari iyo galbeed.
badxidhan [m.dh]
(juqr.) Xilliga dhaqdhaqaaqa gaadiidka baddu uu xiranyahay. Badda Carabta, xilliga xagaaga oo ay dhacayaan dabaylaha mansuunta waqooyi galbeed, waa marka dabaylaha xeeb-ku-jeedka ah ee ka immaanaya dhanka Soomaaliya ay ka dhigaan Badda Carabta mid duufaani ka dhacayso oo aan suurtaggelinayn badmaaxidda gobolkaas. ld badxir, badxiran.
bidix [m.dh]
Qof wejigiisu waqooyi ku aaddan yahay dhankiisa ku toosan galbeed ee ay ku taal gacanta aan aad wax loogu qabsan.
bugux [m.l]
Dhanka ay qorraxdu u dhacdo; galbeed. ld bogox.
cimilada baddadhexe [m.dh]
(juqr.) Nooc cimilo oo ay helaan dhulalka saaran Badda Dhexe, iyo gobollo kale oo ku kala yaal labada galoobbadh ee adduunka oo u kala dhaca meel juqraafiyeed isku mid ah: goodiyada galbeed ee qaaradaha, cirifyada kulaalayda gobollada cimilada dhexdhexaadka, iyo ugu dhawaan loolka kulaalay la moodda ee cadaadisyada sare inta u dhexaysa 30 ilaa 40 ee loolka waqooyi iyo koonfurba.
dugdhabee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -beysay)
Wax dhinaca galbeed ka marid.
dugdhabo [m.dh]
Dhinaca galbeed.
galbeedi [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Wax kastoo galbeed loo nisbeeyo.
harmataan [m.l]
(juqr.) Dabayl xoog leh oo ka soo dhacda woqoogi-bari oo saamaysa galbeedka Afrika. Waxay si toos ah uga soo dhacdaa lamaddegaanka Saxara, waa kulayl, qallalayl, booryley - iyadoo sidaas u kulul una qallalan ayay haddana kala dillaacisaa jiridaha geedaha.