gammaan
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective)

Naasleyda qayb ka mid ah oo ay ka mid yihiin fardaha, baqlaha, dameeraha iyo farowg.

gammaan
(m.dh)

Nooc kalluunka badda ka mid a.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gammaan

baqal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Gammaan lab oo ay dameer iyo geenyo iska dhaleen. 2. ld bagal.

caynaan [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Suun xakamaha labadiisa dhinac ku xiran oo gammaanka lagu dudduwo laguna joojiyo.

ciddillaab [m.l]
Orod kadle ah oo gammaanku sameeyo.

dakaamo [m.dh]
1. Daal badan oo ku yimaadda gammaanka iyo awrta marka ay socod dheer galaan. 2. ld dakaamid.

dakaan [m.l]
1. D. ah: gammaan ama awr aad u daalay. 2. ld dakaamid.

dameer [m.l] (-rro, m.dh)
Labka gammaan la rarto, ka yar faraska, leh dhegodhaadheer, guud gaaban iyo midab bey ah. ld dabeer¹, dammeer¹.

dameer [m.dh] (-ro, m.dh)
Dheddigga gammaan la rarto, ka yar faraska, leh dhego dhaadheer, guud gaaban iyo midab bey ah. ld dabeer², dammeer².

dareemo [m.dh]
Caws dhaadheer, oo ka baxa bannaanka iyo dooxoyinka oo gammaanka, geelu jecelyihiin. ld dareeme (3), dureeme, dureemo.

dawan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Koor yar, bir ka samaysan oo gammaanka loo xiro. 2. Qalab bir ah, laga dhawaajiyo marka xisada dugsida billaabanayaan ama dhammaanayaan.

farow [m.l] (-wyo, m.dh)
1. Gammaan dibadeed, leh midab isugu jira diillimo caddaan iyo madow ah oo laga helo Afrika kaliya. 2. Xoolaha aadka u cayila. 3. Xararka rarada lagu dhigo jaad ka mid ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg