ganac
(m.l) (-cyo, m.dh)

(c.nafl.) Xubin dhuuban oo ku taalla caloosha hoosteeda; waxay ka laallaaddaa oo dhacaankeeda ku shubtaa godanta (xiidmaha madaxdooda hore oo caloosha xiga.

ganac
(m.dh)

Beec; ii.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ganac

kaadimacaan [m.l]
(daaw.) Cudur ay keento shaqo xumo ku dhacda ganaca, kaas oo soo saara insooliin. Insuliinta jidhka ku yaraatana waxay sababtaa sonkorta oo dhiigga ku badata, ka dibna loo qashinsaaro kaadi ahaan. ld kaadimma-caan.

qaadwale [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Qof ka ganacsada qaadka.

raasammaal [m.l]
1. Hantida asaasiga ah ee ganacsi lagu bilaabo; lafo. 2. Hanti qof leeyahay. ld raasumaal.

saalaxweeto [m.dh]
1. Ganacsato yaryar oo aalaaba wareegta ama aan lahayn rug loogu soo hagaago. 2. Hab loo ganacsado badeeco iyadoo aan lacagteeda la bixinb lala wareego. 3. Hab ganacsi ah oo ba-deeco yaryar habda meel wareejiyo.

abakaar [m.dh] (-rro, m.l)
Haweeney waxyaabo yaryar ka ganacsata.

baaniyaal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Hindi ganacsade ah. 2. Qof diinta Hinduuga haysta.

baaritaan [m.l]
1. Raadinta wax qarsoon. 2. Suuq waayidda badeeco ganac loo soo bandhigay. ld baarid².

baayac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -yici)
Wax ganacsi u yaal qiimahooda weyddin; gorgorin.

baayacad [m.l]
Weyddiinta qiimaha wax ganacsi u yaal. ld baayacasho.

bacadle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Ganacsade meel bannaan oo aan dhisneyn wax ku iibsanaaya. 2. Meesha bacadluhu wax ku gato. 3. Awr rarey ah oo xoog badan.

gan [m.l]
1. Dhogorta nafleyda oogadeeda ka baxda. 2. Farqaha dhan-hoosaadka dermada, kebedda iyo raarka. 3. Heer dhaqaale, bulsho ama siyaasa.

gan [m.dh] (-ano, m.l)
1. Gammuunka halkiisa dambe oo jeexan oo xarigga la saaro marka la gamayo. 2. Labada ilig ee sare middood. 3. Bir, qori iwm qoroofan oo wax la sur.

gan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-amay, -antay; -ami)
Xabbad, fallaar iwm ridid, tuurid. ld ge.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg