garbasaar
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine) (-rro, m.dh/-ro, m.l)Maro jilicsan oo haweenku kor ka qaataa.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh garbasaar ↴
fooddad [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-do, m.l)
Garbasaar.
garbasaarad [m.l]
ld garbasaarash.
garbasaarasho [m.f.dh]
eeg garbasaaro. ld garbasaara.
garbasaaro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
Garbasaar isku dadi.
jeerjeer [m.l]
1. Nooc libaax badeedka ka mid ah oo la cuno. 2. Maqal yaryar oo loo kobciyo in la qasho. 3. Nooc ka mid ah garbasaaraha haweenka oo khafiif ah.
rummaan [m.dh]
Maro midabkeedu isugu jiro madow guduud iyo caddaan ama garbasaar ama guntiino ahaan loo istic-maalo.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg