gardarro
(m.dh)

Xumaan aan la mutaysan oo qof, qof kale ku sameeyo; gef; gaboodfal. ld gardarr.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gardarro

maag [m.l]
1. Daandaansi; gardarro; abyood. 2. ld maagid.

tacaddi [m.l]
Wax lagu kaco oo xaqa weydaarsan; waxyeello; gardarro; xumaa-to. ld dacati.

daardaaro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
Cid gardarro kula kicid.

dadabso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-saday, -satay)
1. (f.g) Wax dhib leh si gardarro ah faraha ula gelid. 2. (f.g) Cid gardarro ku sameyn. 3. (f.mg) Ilmo, si dadab ah u xambaarasho.

dhabbaqee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-qeeyay, -qaysay)
Cid gardarro kula kicid.

dhabbaqoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Ku dh.: gardarro ku kicid.

durqun [m.l]
Hadal xaniif iyo gardarro leh oo la is dhaafsado.

gabood [m.dh]
Dulmi; gardarro, eex.

gaboodfal [m.l]
1. Gardarro bareer ah oo cid lagu sameeyo. 2. ld gaboodfalid.

gaboodfal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-alay, -ashay)
Ku g.: gardarro bareer ah cid ku samayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg