garo
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective)Riy.
garo
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-rtay, -ratay)1. Wax fahmid. 2. Wax aqoonsash.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh garo ↴
qaab [m.l] (-bab, m.l)
1. Hannaanka wax leeyahay. 2. Hab. 3. Caano garoor ah.
4. Caano yar oo garoor ah oo caanaha
dhayda ah lagu daro si ay durba garoor u noqdaan; salsal; khamiir. hab
qaabis [m.l]
1. Garoorinta la garooriyo caano la
doonayo in la lulo. 2. Q. ah: caana garoor
ah.
eedaq [m.l]
Caano garoor ah.
maangaro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
1. Qof wax uu rabo isaga oo aan sheegin fahmid. 2. Arrin laga hadlay dulucdeeda fahmid.
qaaligaroobid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg qaaligarow.
qaaligarow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Wax qaali ah noqosho.
xagaggaro [m.dh]
Nooc cawska ka mid ah. ld xaqaggaro.
yeelyeelo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-eeshay, -eelatay)
Cir in uu da'o u diyaar garoobid.
yool [m.l]
1. Degganaansho la'aan nafley ka muuqata. 2. (-lal, m.l) Sal; gun; madhaafaan. Maalintii y.ka: maalinta qiyamaaha. 3. (-lal, m.l) Goob; madal; garoonka gudahiisa meesha kubbadda cagta iwm lagu dheelo.
afgaro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
Cid ujeeddadeeda fahmid.