geedo
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective)1. Bari, xidid, caleen, qolof, dhacaan iwm oo dhir laga soo guray oo daawo ahaan loo isticmaalo. 2. Caleen, miro bari iwm oo dhirta qaarkeed laga soo guro oo cuntada lagu daro si dhadhan loogu yeelo. 3. eeg gee.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh geedo ↴
aaladee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -deysay)
1. Wax qalabeyn. 2. Wax qurxin. 3. Ciidan hubayn.
4. Cunto si ay caraf iyo dhadhan u yeelato geedo ku darid.
nabaadguur [m.l] (-ray, -rtay)
Nafaqaddarro dhulka gaartay awgeed, geedo soo bixi waayaan.
qaad [m.l]
1. Mugga ay wax leeyihiin. 2. Awoodda qaadis ee wax leeyihiin. 3. ld jaad¹(1). Laamo yaryar oo u xirxiran majimo iyo marduufyo laga soo guro geedo meelo kala duwan ka baxa la cuno inta ay jilcanyihiin oo lagu marqaamo. 4. ld qaadid: magacyada lammaanan. Tus. “Dulqaadka”.
saaq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
1. Dhir geedo kale ku faalalid. 2. Xanuun, sun iwm jirka ku fidid. 3. Ur dareemid.
ununush [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Waxaruhu marka ay geedo daaqidda bilaabaan.
wada noolaansho [m.dh]
Isdhex gal ka dhex dhaca laba xayawaan ama laba sinji oo geedo ah, kuwaas oo wada nool, oo mid kamid ahi isdhex galkooda ka faaidaysanayo, ka kalena wax dhibaato ahi ka soo gaadhayn.
adable [m.l]
Dhul carro cad iyo carro madow isugu jira, geedo dhaadheer ka baxaan oo beerashada ku wanaagsan.
ay [m.dh]
1. Meel geedo badan leh; hawd. 2. Meel cidla ah oo aan la degganayn.
bacaadcelin [m.dh]
Ka hortagga bacaad fidaaya iyadoo geedo lagu beeraayo.
bacood [m.dh]
Meel taag ah oo aan geedo lahayn.
gee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-eeyay, -eysay)
1. (f.g) Wax meel yiil ama joogay meel kale gaarsiin. 2. (f.mg) Isu g.: laba wax ama ka badan isku dari.