geesi
(m.l) (-iyaal, m.l/dh)Nin dhiirran oo aan cabsa.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh geesi ↴
ee [Xiriiriye | Conjunction]
1. Eray lagu xiriiriyo laba weerood aan xor ahayn. Tus. “Nin wanaagsan ee geesi ah”, “Xarunta dhexe ee xisbiga”. 2. Eray lagu xiriiriyo laba weerood xor ah. Tus. “Ha kicin wuu bukaa ee ama wuu bukaa ee ha kicin”, “Meel kastaba aynu ka eegno ee heli mayno”, “Cali wuu shaqayay ee Maryam baa seexatay”. ld e. e
maalooti [m.l]
1. ld magallooti (3) Si daran wax u laaya (bahal ama geesi); aan biqin; dhiigyacab. 2. M. ah: qof waxmatara ah.
saajac [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate] (-cyo, m.dh)
S. ah: qof dhiiran oo aan cabsan; geesi.
aar [m.l] (-rar, m.l)
1. Libaax weyn oo lab. 2. Nin geesi ah. 3. Aargoosad.
abaddar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Qof aan waxba laga dhaadhicin karin; macangag. 2. Geesi aan caqli lahayn.
bahaldile [m.l] (-layaal, m.dh)
1. Nin qolo ama col wada oo ugu horreeya xagga geesinnimada iyo dagaalka. 2. Nin beel madax u ah. ld bahaldileen.
baqdin [m.dh]
Dareen geesinnimo la'aaneed oo xasillooni darro iyo welwel leh oo ku dhasha nafleyda marka ay dareento inay nafteeda halis ku jirto; cabsi.
birdhig [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
U b.: wax sida cadow iwm oo soo food leh si geesinnimo leh uga hortegid.
boodal [m.l] (-llo, m.dh)
Nin geesi ah.
dagaalyahan [m.l] (-nno, m.dh)
Qof geesi ah oo tabaha iyo xeeladaha dagaalka yaqaan.
gee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-eeyay, -eysay)
1. (f.g) Wax meel yiil ama joogay meel kale gaarsiin. 2. (f.mg) Isu g.: laba wax ama ka badan isku dari.