geesinnimo
(m.f.dh)

Geesi ahaansh.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh geesinnimo

baqdin [m.dh]
Dareen geesinnimo la'aaneed oo xasillooni darro iyo welwel leh oo ku dhasha nafleyda marka ay dareento inay nafteeda halis ku jirto; cabsi.

birdhig [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
U b.: wax sida cadow iwm oo soo food leh si geesinnimo leh uga hortegid.

daruuri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Isu d.: arrin ama meel si geesinnimo iyo degdeg leh u gelid. 2. U d.: wadaan, weel iwm ceel si degdeg ah ugu ridid.

dhiirri [m.dh]
Cabsi la'aan; geesinnimo.

dhiirri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Hadal cid lagu geesinnimo gelid si ay ku tallaabsato fal.

dhiirrigeli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Hadal cid lagu geesinnimo gelid si ay ku tallaabsato fal.

dhiirro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-raday, ratay)
Arrin si geesinnimo leh u qaabbilid (qof).

fooxaalli [m.l]
1. Geesinnimo been ah oo la muujiyo. 2. Cagajuglayn been ah oo la muujiyo.

fooxaalli [Fal Magudbe1/2 | Verb Intransitive1/2] (-iyay, -iday/isay; -iyi)
1. Geesinnimo been ah muujin. 2. Cagajuglayn been ah muujin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg