gembi
(m.l)1. Dagaal weyn oo lagu hoobto. 2. ld gembiyi.
gembi
(Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2) (-iyay, -iday/isay; -iyi)1. Wax afrogid. 2. Dagaal ku kicid. ld gambi.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gembi ↴
afgembi [m.l]
1. Hab aan sharci ahayn oo dowlad dhisan lagu beddelo; inqilaab. 2. Hoosmaridda, wax afkooda sare uu hoos maro. 3. ld afgembiyid.
afgembi [Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2] (-iyay, -iday/-isay; -iyi)
1. Hab aan sharci ahayn dowlad dhisan ku beddelid. 2. Wax afkooda sare hoos marin.
afgembin [m.dh]
ld afgembiyid.
afgembiyid [m.f.dh]
eeg afgembi². ld afgembi¹ (3), afgembin.
aqalsoomaali [m.l]
Aqal gembis ah, rarma, oo ka kooban raro, dhigo udbo, saamo iyo xargo oo miyiga Soomaaliya laga dhisto.
cadaadis-beege [m.l] (-gayaal, m.l/dh)
(fiis.) Qalabka loo isticmaalo in lagu cabbiro cadaadiska gibilka. Qaabkiisa ugu sahlan waxa loo yaqaan cadaadis beegaha meerkari; meerkaridaas oo ku jirta dhululubo qarsho ah oo xiran oo lagu gembiyay meerkari kale oo weel ku jirta; meerkaridaas ku jirta dhululubada waxay ismiisamayaan culayska gibilka, dherekeeduna wuxuu ku siinayaa cabbirka culayska cadaadiska gibilka. Heerka meerkarida ee dhululubada ku jirta wuxuu tusinayaa celceliska cadaadiska gebilka ee bad la simanta.
firee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
1. Wax firo u yeelid. 2. Waraaq turub oo gembisan dhanka kale u rogid. 3. Kala f.: wax meeshu u jeedey ma ahee meel kale u jeedin.
firow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
1. Wax firo yeelasho. 2. Waraaq turub oo gembisan dhanka kale isu geddiyid.
gambi [m.l]
ld gembiyi.
gambi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
ld gembi.