gendi
(m.l)(c.nafl.) Diqsi weyn oo dhiigga dhuuqa oo laga helo Afrika kana tirsan qaybta “golossina” loo yaqaan “tsé-tsé” oo caarad dheer afka ku leh, maalintii ayuu naaslayda dhiigga ka dhuuqaa, waxayna u gudbiyaan deriskunool keena cudurka hurdada badan. ld gand.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gendi ↴
debingendi [m.l]
Kiish yar oo maro shabaq ah ka samaysan, afka garangar yar ku leh oo gendiga lagu qabto.
gannad [m.l]
1. Cayayaan u eg gendiga oo xoolaha dhiigga ka nuugta ayadoo geela ku reebta cudurka dhukaanka. 2. Caatoobidda xoolaha siiba geela marka dhukaanka ku dhaco ama abaari hesho; jaynaf. 3. ld gannadi.
gol [m.dh] (-lo, m.l)
1. Nafleyda labadeeda dhinac oo jilicsan. 2. Dhul geedo badan oo qaniin leh oo xoolaha daaqaa ku jirradaan. 3. Daaddegga buuraha. 4. Cudur xoolaha ku dhaca oo ay ka qaadaan gendiga. 5. Foorad. 6. Maryaha dumarka oo la maraarsado laabkooda hore oo caloosha ku abbaaran; nabas. 7. G. lahaan: ujeeddo; dan.
riibi [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Dhuug; gendi.
gen [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-nay, -ntay)
ld gan.