giddi
(m.l)Wax aan kala maqnayn; wadajir; dhammaa.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh giddi ↴
gebi [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Qar; jar; daan. 2. Meel qar hoostiis ah oo roobka, qorraxda, dhaxanta iwm laga galo. 3. G. ahaan: giddi; gebigood; giddigoo.
giddicune [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
Noole cuna hilib iyo miro iw.
giddiquute [m.l]
ld giddicun.
qayb [Magac Lab Falkaab | Noun Masculine Adverb]
Q. u: kulli, dhammaan, giddi, idil.
tiro [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. (xis.) Summado loo adeegsado tirinta iyo cabbirid- da.Tirooyinka hadda guud ahaan la adeegsado waxa ay ku salaysanyihiin habdhis salkiisu yahay Hindi-Carab. 2. (xis.) Tiro kasta oo ah maangal ama murakab waxa jiro noocyo badan oo tirooyin ah: (b) tirsiimo (abyoone togan) (t) tiro idil (j) abyooneyaasha (x) tiro lakab ah (kh) tiro lakab la'. 3. (nax.) Koox naxweed oo waxqabadkeedu yahay in ay tilmaanto cadad dad, xayawaan iyo shay oo giddigooda ah tirsamayaal. Tus. “Kow, labo, qof”; tirada lidka isku ah waa keli iyo wadar (mid/dhawr).