go'
(m.l) (-'yaal, m.l/dh)1. Maro aan afka isaga tolnayn oo raggu xirto ama huwado. 2. Gabal; cad.
go'
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-'ay, -'day)1. Wax meel ka jarmid. 2. Dhimasho. 3. Wax wada jiray qaar, goonni uga soocmid. 4. U g.: niyadda wada siin. 5. Biyo iwm meel ka dhammmaansho. 5. Caano baqid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh go' ↴
aabonimo [m.dh] (siyaasad.)
Mowqifka dawlad, ama mujtamac kale ku muujinayaan in ay go'aan kasta u sameeyaan dadka ay mas'uulka ka yihiin.
aaddan [f.g.mg4] (-naa, -nayd)
1. (f.g) Is aa.: laba nafley wax da'da ama xoogga iska le'eg ahaansho. 2. (f.mg) Ku aa.: wax, wax kale ku beegan ahaansho. Tus. “Guriga Cali wuxuu ku aaddanyahay Baar Ubax”. 3. (f.mg) Ku
aa.: wax, wax kale muuqaalkooda isku
gudbay ahaansho. 4. (f.mg) Ku soo aa.: wax la filayo in uu meel yimaaddo ama ku dhaco waqti go'an ahaansho.
aal [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (yiil, tiil; aalli)
aal²: 1. (f.g) Wax meel go'an ku sugnaansho. 2. (f.mg) Ka a.: fal ku dhaqaaqiddiisa deyn.
ld ool², oollow ool, oollow
caag [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
Ka c.: gasiin iwm dhaqan awgiis uga go'id.
caaggan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax gasiin iwm dhaqan awgiis uga go'ay ahaansho. 2. Ka c.: ka reeban.
faalikad [m.dh] (-do, m.l)
Jirrid geed weyn oo go'an oo dhismo loogu talaggalay.
faaltow [m.l]
1. Markab aan waqti u go'an lahayn oo kolkuu imaanayo iyo mar kale la kala aqoon. 2. Qof dawdar ah oo hadba meel aan laga filayn taga. 3. Dibi banjoog ah.
jaango'an [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-'naa, -'nayd)
Ku j.: wax, wax kale la cabbir ah ahaansho.
jaango'naan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
ld jaango'naansho.
jaango'naansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
eeg jaangoo. ld jaango'naan.