godin
(m.dh) (-dmo, ml.)1. ld godimmo, gudimmo, gudin. Qalab bir ah oo faaska ka yar oo leh daab gaaban oo qori ah oo geedaha lagu jaro. 2. Xiddigaha raqaha loo yaqaan kuwa ugu horreeya. 3. ld godan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh godin ↴
faas [m.l] (-sas, m.l)
Qalab bir ah oo godinta u eg oo loo isticmaalo geeda gooynta. ld faash¹.
foocaar [m.dh]
1. Saddexda xiddigood oo godintu ka samaysantahay. 2. Meesha doonyaha iyo maraakiibta lagu xiro si aan dabayshu u qaadin.
godan [m.dh]
1. Xiidmaha yar yar meesha qalloocan ee ay ka lowdaan. 2. ld godin. Magac fala.
gonfi [m.dh]
Bir adag oo dhuuban oo sida godinta daab qori ah leh oo ceelasha; xabaalaha iwm lagu qodo.
gudimmo [m.dh]
ld godin (1).
gudin [m.dh]
ld godin (1).
listan [m.l]
Xiddigaha raqaha oo dayaxu maro tooda labaad oo u dhexeysa godinta iyo lixaha.
loolso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Mindi, godin, waran iwm af u yeelasho.
masaar [m.dh] (-ro, m.l)
Qalab ka kooban daab iyo bir af leh oo geedaha iwm lagu gooyo; godin.
god [m.l]
1. (-dad, m.l) Dalool dheer oo hulan oo dhulka ka samysma ama laga sameeyey. 2. Siddeed iyo tobanka hogood ee dayaxa midkoo.
god [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Wax qalloocin. 2. Wax deri u yeeli.