godlan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

Wax godladay ahaansh.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh godlan

gaaggax [m.l]
1. Marka neef godlani wax gansado (qoonsado) oo caanuhu ku cararaan; godolnaqsi. 2. ld gaaggixid. gaaggixid

gaaggixi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Neef godlan wax uu gansado oo caanuhu uga iman waayaan ku samayn.

haaneedso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Hal godlan si loo maalo isbahardaadin. 2. Hal haaneedka ka maalid iyada oo dhiilka jilibka lagu hayo ama la saarayo.

boor [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Sac godlan waayey ama dhashiisa diiday wamme ama fintir iwm sabiisha ka gelin. 2. Is b.: dhabarka godid.

godlanaan [m.f.dh]
eeg godlan. ld godlanaansh.

godlanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld godlanaa.

gunnee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-neeyay, -neysay)
1. Cid gunno siin. 2. Caano sanka u saarid sac aan godlanayn oo la doonayo in la liso.

suuldaar [m.l]
1. Xiridda hal godlan weyday suulka laga xiro si ay u godlato. 2. eeg qonof. 3. ld suuldaarid.

suuldaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Cid jillaafayn. 2. Hal godlan weydey suulka ka xirid si ay u godlato.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg