goglad
(m.l)

ld goglash.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh goglad

raarcaw [m.l]
Raar yar oo caws laga sameeyey oo la goglado.

raargogol [m.l]
Raar si gaar loo sameeyo oo loogu talo galo in la goglado.

garoonshiid [m.l]
Go'darbaal ah oo askartu huwadaan ama gogladaa.

jeexgogol [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-lo, m.l)
Derin weyn oo la goglado.

kaddiifad [m.dh] (-do, m.l)
Gogol dun adag, cudbi iwm ka samaysan, qurux leh oo lagu goglado guryaha gudahooda. ld gaddiifad, kaddiifo, katiifad, qaddiifad.

kaldho [m.dh]
1. Caws caleemo dhaadheer, dun adag oo laga sameeyo rarada. 2. Maqaar lo'aad qallalan oo la goglado.

weylaalis [m.dh] (-so, m.l)
Hargo badan oo waylo ama ari yaryar laga baxshay oo la isku tolay oo la goglado.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg