goobi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

La g.: beer shaqadeeda u duulid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh goobi

baadiggoobid [m.dh]
ld baadiddoonid. baadiddoonid

baadiggoobis [m.dh]
ld baadiddoonid. baadiddoonid

raadgoobid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg raadgoob². ld raadgoob¹.

uskagoobid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg uskagow.

abaadi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Baadi goobisteed raajin. 2. (f.mg) Ku a.: wax xaalad gaar ah ku raajin. ld abaadsii.

banjoogoobid [m.f.dh]
eeg banjoogow.

boogoobid [m.f.dh]
eeg boogow². ld boogow¹.

dangoobid [m.f.dh]
eeg dangow.

dawari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax dhumay baadi goobid. ld daweri, dawri, deweri.

doogoobid [m.f.dh]
eeg doogow.

goo [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-ooyay, -oysay)
1. (f.g) Wax jarid. 2. (f.g) Xaajo go'aan ka gaarid. 3. (f.g) Qaraabo saaxiib iwm xiriir u jarid. 4. (f.mg) Ka g.: tiro mid kale ka jarid (xisaab). 5. (f.mg) Ka g.: ilmo nuugmo ka joojin. 6. (f.mg) Ka g.: wax, wax kale ka leexin. 7. (f.mg) Ka g.: cid dambi ay gashay kajeebid. 8. (f.mg) Ku g.: meel wax ku xannibid. 9. (f.mg) Ku g.: hadal iwm xad gaar ah kujoojin. 10. (f.mg) La g.: wax ka baxsasho. 11. (f.mg) U g.: cida ballan kaga bixid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg