goobis
(m.dh)ld goobid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh goobis ↴
baadiggoobis [m.dh]
ld baadiddoonid. baadiddoonid
abaadi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Baadi goobisteed raajin. 2. (f.mg) Ku a.: wax xaalad gaar ah ku raajin. ld abaadsii.
goobid [m.f.dh]
eeg goob³. ld goobis.
goob [m.l]
1. Si wadajir ah oo wax loo qabto (beer). 2. Meesha badarka lagu ururiyo marka beerta laga soo jaro.
goob [m.dh] (-bo, m.l)
1. Meel bannaan oo lagu soo bandhigo ciyaaraha. 2. Wax qeyb qeyb u yaalo middood. 3. Meesha ay herintu degto marka ay oroobka tahay. 4. (riw.) Meesha lagu sameeyo masraxi-yadda.
goob [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Wax baadiddoonid.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg