gool
(m.l) (-lal, m.l)

Ciyaaraha kubbadda dhibcaha lagu tartamayo oo middood la helo.

gool
(m.l) (-lal, m.l)

1. Ciyaarta godadowga afar xabbadood oo isku god ku jira. 2. Awr buuran. 3. Waraaqaha maraakiibta iyo dayaaradaha ay u adeegsadaan safarra- dooda.

gool
(m.dh) (-lo, m.l)

1. Libaax dheddig. 2. Neef dheddig oo buuran. 3. Neef dheddig oo rimay la'aan ku weynaaday.

Afar Goolleey*

waa ciyaar ay hal mar 4 laacib oo iska soo wada horjeeda garoonka wada galaan mid walbana laga rabo inuu goolkiisa difaacdo, goolalna ka dhaliyo 3da kale. Farsamada ay ciyaartan caanka ku tahay waa in la wada weeraro qofka kubbadda wata. FG: Waana bilaa garsoore.


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gool

abeer [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. A. ah: qaalin geel ama lo'aad oo waqtiigii ay rimi lahayd gaartay laakiin aan dhowr da'ood dhalin. 2. A. ah: neef dhaddig oo aad u shilis; gool. ld ameer.

adan [m.dh]
1. Libaaxa tan dheddig; gool. 2. Ugaarta ama dugaagga intooda laayaanka ah. 3. Koox libaaxyo ah.

agool [m.l]
Qolof cad oo madaxa yeesho marka uu basaaso.

barambarqo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Libaax dheddig; gool.

dhegoole [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Nin aan wax maqlin.

dhegoolee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
Is dhegatirid; wax dhegala' iska dhigid.

dhegooley [m.dh]
Naag aan wax maqal.

dhegooleyn [m.f.dh]
eeg dhegoolee.

galgaal [m.l]
1. Xiddig soo baxa, marka dirirku u dhowaado dayaxa. 2. Dheddig gool noqotay (xoolo).

galgaal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aalay, -aashay)
Nafley dheddig gooloobid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg