goor
(m.dh)1. Waqti la yaqaan oo bilow iyo dhammaad leh; kol; xilli; waqti; ammin. 2. G.tiiba: isla waqtigii. 3. Goor ka goor ama ka goor ka goor: waqti ilaa waqti.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh goor ↴
waa [m.l] (-aayo, m.l)
1. Maalinta gelinkeeda hore billaawgiisa; subax; arooryo. 2. Xilli;
waqti; jeer; goor. arooryo, jeer, goor, subax, waqti, xilli
naadir [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Aan had iyo goor la heli karin (wax); dhif ah.
caal [m.l]
Cudur lo'da, idaha ka barariya caloosha oo uu keeno gooryaan caloosha kaga dhashay.
taariikh [m.dh]
1. Laan cilmi bulshadeedka ka mid ah oo lagu barto dhacdooyinka. 2. Goorta wax abuurmeen ama dheceen. 3. Sanadka, bisha, iyo maalintu inta ay joogaan.
agoor [m.dh]
Neef irmaan oo muddo badan la maalayey; dhaqayo.
agoornimo [m.dh]
Agoor ahaansho.
algoordan [m.l] (-amo, m.dh)
(xis.) Urur qaanuunno ah oo hagaag u qeexan, loona adeegsado furfirista mas'alad iyada oo la qaadayo tallaabooyin tiradoodu koobantahay.
aqool [m.dh]
1. (-lo, m.dh) Gooraha wax la cuno middood. 2. ld aqoolid.
balaatihelmantis [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
(baay.) Faylam ka tirsan lafdhabarla'da, oo ka kooban gooryaan suunka, astaamihiisana ay ka mid yihiin jidh ballaadhan oo aan maraaryo lahayn, habdhis dareen-wade oo sahlan, kaas oo unugyadiisu u badanyihiin dhinaca madaxa, dheefmareen sahlan oo af mooye aan futo lahayn. Gooryaan suunku waa labeeb, laakiin isbacrimintiisu waa naadir. Jinsiyo badanoo faylamkan ka tirsan ayaa dulin ah.
balxo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-xaday, -xatay)
Cabbitaan laga dhergey ku noqnoqosho (dad); biyo badan, had iyo goor cabbid (xoolo); biyo durdurasho.