gorgor
(m.l) (-rro, m.dh)

Nooc haadda hilib-kunoolka ah ka mid ah, jaadad badan u kala baxda, xoog badan oo duullimaad dheer.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gorgor

aboodi [m.l] (-iyo, m.dh)
Nooc haadda ka mid ah oo xagga weynaanta u dhaxeeya gorgorka iyo coomaaddaha, oo habeenkii dhulka u hoyda oo afka luguha iyo baalasha dhinacyadooda guduudan.

baayac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -yici)
Wax ganacsi u yaal qiimahooda weyddin; gorgorin.

baayoco [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-yacday, -yacatay)
Badeeco qiimaheeda weyddiisasho; gorgori. ld baayaco.

biin [m.l] (-nan, m.l)
1. Qodxo bir ah, noocyo kala duwan leh oo wax la iskula qabto. 2. Nooc ka mid ah gorgorka oo aad u dheereeya..

bullaale [m.l]
1. Faras midabka dambarka leh. 2. Nooc ka mid ah jaadadka gorgorka.

coomaadi [m.l] (-iyo m.dh)
Nooc haadka hilibka cuna ka mid ah, xoog badan leh, gorgorkana ka yar. ld coomaadde.

faraggorgor [m.l]
1. Ciyaar carruureed. 2. Fiidda geeduhu ka fufaan. 3. Faraggirgir.

geeltoosiye [m.l]
Nooc gorgorka waaweyn ka mid a.

gofe [m.l]
Nooc ka mid ah gorgorka waawey.

googgarad [m.dh] (-do, m.l)
Maro hoosaad duluc leh dheer oo dumarku qaarka dambe ku xirtaan. ld gorgorad.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg