gorof
(m.l) (-fyo, m.dh)1. G. ah: haruub ama weel duug ah ceel iwm oo aan muddo la isticmaalin. 2. Haruub.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gorof ↴
afgorofow [m.l]
ld afdhalow.
dowr [m.l] (-rar, m.l)
1. Ceel biyihii ka guureen, goof, gorof. 2. (riw.) ld door. Kaalin.
gaatir [m.dh]
1.Haragga oogada oo adkaada, siiba kan sacabbada iyo cagaha. 2. Harag qolof adag noqday oo shafka, goroflegedka iyo cagaha geelu ku yeesho. 3. Geed-nagaaraad oo yar. ld gaatur.
gadoon [m.dh]
Haan gorof ah oo la tuuray.
gorofleged [m.l]
Lugta dambe ee geela meesha maqaarka adag leh oo marka uu fadhiyo dhulka ku hayo.
gorofsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax meel yaal oo aan nuuxsaneyn ama la xooray ahaansho.
gorofsanaan [m.f.dh]
eeg gorofsan. ld gorofsanaansho.
gorofsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld gorofsanaan.
gor [m.l]
Dambar horaadka neefka rimman candhadiisa ku soo dhaca inta uusan dhalin ka hor.