gowr
(m.l)

Xubinta taranka haweenka.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gowr

udaabtahays [m.dh]
Geed geedaha sabuulka leh ka mid ah; gowracato. ld ugaabdays. gowracato, ugaabdays

bakhtiggowrac [m.l]
ld baqtiggowrac¹.

bakhtiggowrac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday)
ld baqtiggowrac².

bakhtiggowracid [m.dh]
ld baqtiggowracid.

baqtiggowrac [m.l]
Colaad aad u xumaata oo inta xeerka wanaagsan oo dagaalka laga gudbo, dadka nool daaye, kuwa dhinta la foolxumeeyo (gowrac, addimo ka goyn iwm); baqtiwareen. ld bakhtiggowrac¹.

baqtiggowrac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday; -rici)
Baqtigowrac ku kicid. ld bakhtiggowrac².

baqtiggowracid [m.f.dh]
eeg baqtiggowrac².

birsol [m.l]
1. Neef xoolo ah oo la gowracay. 2. ld birsolid.

caali [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Neef lo'ah si loo gowraco luquntiisa fidin. 2. Is c.: nafley, wax suuxsan ama liita iska dhigid.

dhuundhaban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
Neef geel ah wax gowracan ahaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg