gowrac
(m.l)1. Biraynta xoolaha la qalanayo la bireeyo si hilibkoodu u xalaaloobo. 2. ld gowricid.
gowrac
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-cay, -cday; -rici)Wax birayn.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gowrac ↴
udaabtahays [m.dh]
Geed geedaha sabuulka leh ka mid ah; gowracato. ld ugaabdays. gowracato, ugaabdays
bakhtiggowrac [m.l]
ld baqtiggowrac¹.
bakhtiggowrac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday)
ld baqtiggowrac².
bakhtiggowracid [m.dh]
ld baqtiggowracid.
baqtiggowrac [m.l]
Colaad aad u xumaata oo inta xeerka wanaagsan oo dagaalka laga gudbo, dadka nool daaye, kuwa dhinta la foolxumeeyo (gowrac, addimo ka goyn iwm); baqtiwareen. ld bakhtiggowrac¹.
baqtiggowrac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday; -rici)
Baqtigowrac ku kicid. ld bakhtiggowrac².
baqtiggowracid [m.f.dh]
eeg baqtiggowrac².
birsol [m.l]
1. Neef xoolo ah oo la gowracay. 2. ld birsolid.
caali [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Neef lo'ah si loo gowraco luquntiisa fidin. 2. Is c.: nafley, wax suuxsan ama liita iska dhigid.
dhuundhaban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
Neef geel ah wax gowracan ahaansho.
gowr [m.l]
Xubinta taranka haweenka.