gows
(m.l)Surta inteeda cillanka ukunta u eg.
gows
(m.dh) (-so, m.l)(c.nafl.) Ilkaha qofka, iligga 6aad, 7aad iyo 8aad oo dhinac walba ee saamanka waxaa la yiraahda gows.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gows ↴
xabagbarsho [m.dh]
Malabka awlalka ku jira mid ka mid ah oo shinnidu si gaar ah u samayso; waa miid sida xabagta dhirta qaar-keed u cad oo aan gows iyo wax kale midna dheehin, oo boqoraddeedu cunto. ld xabag-barshe, xabagbarshi.
calaanji [Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2] (-iyay, -iday/isay; -iyi)
1. Cunno meyrax iwm gowsaha ku jilcin. 2. Wax si aan habboonayn isugu qasid.
calali [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cunto, meyrax iwm gowsaha ku jilcin.
calalso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Cunto gowsaha ku burburin. ld calasho.
gowsdambeed [m.l] (-dyo, m.dh)
Gowsaha gowska ugu dambeeya.
gowsdheero [m.dh]
Gows inta debca wax yar kor u soo baxa oo dabadeed wax lala calalin waayo: takhtar yaqaan oo baxsha haddaan loo helin xooluhu waa ku dhibtoodaan.
gows-haysad [m.l]
ld gows-haysasho.
gows-haysasho [m.f.dh]
eeg gows-hayso. ld gows-haysad.