gudban
(m.dh)

1. Xiddig u dhexeysa bayaxawda iyo libcasta. 2. Naag madax adag.

gudban
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

1. Wax babac u yaal ahaansho. 2. Ku g.: wax, wax kale ku aaddan ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gudban

xaglo-talantaali [m.l] (-llo ..., m.dh)
(xis.) Lammaane xaglo isle'eg oo ay sammeeyaan laba xarriiqood oo barbarro ah iyo xarriq kale oo goysa labadooda oo lagu magacaabo gudbane.

bannee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-neeyay, -naysay)
1. Wax meel sida waddo, irrid iwm ku gudban ka wareejin. 2. Meel xadeysan wax ku jira ka saarid. 3. Meel geedo ku yaalin bannaan ka dhigid. 4. Wax samayntooda oggolaan (sharci).

bayaxaw [m.dh]
1. Xiddigta u dhexeysa garbo iyo gudban. 2. Meel bannaan oo aan dhir lahayn. 3. Qof ama xoolo falxad ah.

cirifayn [m.dh]
1. (fiis.) Xadaynta gariirrada ay leedahay hir gudbani, si gariirku ugu dhaco sallax keliya. Tusaale ahaan, kaaha birlab-danabeed waa dhaqaaqa hir gudban. 2. (fiis.) Yaraynta maayadda unugga Foolt, taas oo ka dhalata tuulmidda maxsuullada ka soo baxa falgalka kiimikaad.

feyd [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Wax, wax ku gudban ka weecin. 2. Wax, wax ku daboolan ka qaadid.

gal-dayax [m.l]
(c.fal.) Giraan ilays ah oo ku wareegsan dayaxa ama qorraxda marka qorraxda laga dhex arko wiriqaha daruur sare oo khafiif ah oo ku gudban sokadeeda.

gudbanaan [m.f.dh]
eeg gudban. ld gudbanaansho.

gudbanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld gudbanaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg