gudbis
(m.l)1. Meydhaan. 2. Nooc legdinta ka mid ah oo qofka xagga dambe la isu dhaafiyo. 3. ld gudbin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gudbis ↴
ureed [m.l] (-dyo, m.dh)
(baay.) Dareenka urta ama dariiqadda wax lagu uriyo; tani oo lagu helo qaabilayaasha urta ama qaabilayaasha ku jira organnada ureed, sida sanka, kuwaas oo xasaasi u ah hawada ama kiimikooyinka ka dhasha biyaha. Nashaadinta qaabilayaashaasi waxay sababtaa inay u gudbiso wararka maskaxda iyaga oo sii maraya dariiqa dareen wadaha ureed.
gargudbis [m.l]
ld gargudbi.
gudbin [m.f.dh]
eeg gudbi. ld gudbis (3).
gudbitaan-kul [m.l]
(fiis.) Cabbirka kartida ay walaxi ku gudbiso kul.
hunguri [m.l] (-iyo, m.l)
(c.nafl.) Qaybta dheefmareenka ee u dhaxayso dalqada iyo caloosha. Waa dhuun muruqaysan oo shaqadeedu tahay inay cuntada u gudbiso caloosha. Habka isku soo ururka ee ay cuntada u gudbisana waxa loo yaqaan dubaaxis. 2. ld hungiri-cad.
hunguricad [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.nafl.) Dhuun haweedka lafdhabarleyda neefta qaadataa: waa dhuun hawada ka soo qaadda hunguri cadka una gudbisa farac hunguri cadka, waxa adkeeya maraaryo qaybo ah oo carjaw ka samaysan.
kahortagga-cudurrada [m.l]
(daaw.) Qaybta dawada ee hawsheeda ugu weyn ay tahay ka hortagga cudurrada; waa qayb ballaaran oo shaqaaluhu ku hawlanyahay xalka mas'alado ka dhexeeya tallaalka liddiga ku ah cudurrada la isqaadsiiyo sida gawracatada, kixda iwm. Ilaa helitaanka habab lagu baabi'iyo qaadayaasha (gudbiyayaasha) cudurrada, sida kaneecada gudbisa deriskunoolka duumaada.
marsii [Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2] (-iiyay, -iisay)
1. Cid arrin si khasab ah ku oggoleysiin. 2. Wax kale dul marin (wax). 3. Wax meel ku dul socodsiin. 4. Arrin cid kale ogaysiin (gob). 5. Arrin, warqad iwm meel geyn si ay meeshaasi u sii gudbiso (qof).
marso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Cunto, lacag iwm dhammaysasho. 2. Wax meel ka gudbisasho. 3. Dufan, rinji iwm ku dhaashasho. 4. Cashar cid ula tegid si loogu akhriyo (qof). 5. Marada ay xirantahay dhexda ka xirasho (haween). 6. Arrin meel gole ah ka caddeysasho.