guddoon
(m.l)

1. Go'aan. 2. Maamul guddoomiye madax ka yahay.

guddoon
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-oomay, -oontay; -oomi)

1. Wax aqbalid. 2. Wax qaadasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh guddoon ↴

deedifee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-feeyay, -feysay)
Qof markhaantigiisa ama guddoonkiisa durid.

deedifo [m.dh]
Duridda qof markhaantigiisa ama guddoonkiisa la duro.

go'aan [m.l] (-nno, m.dh)
Guddoonsiga xaajo laga dooday meelmarinteeda la guddoon- sado.

guddoomid [m.f.dh]
eeg guddoon².

guddoomiye [m.l] (-yayaal, m.l)
Nin madax u ah guddi. ld guddoonshe.

guddoonsad [m.l]
ld guddoonsasho.

guddoonsasho [m.f.dh]
eeg guddoonso. ld guddoonsad, guddoonsi.

guddoonshe [m.l]
ld guddoomiye.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg