gudo
(Magac Lab Falkaab | Noun Masculine Adverb)Wax mug leh dhexdiisa.
gudo
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-dday, -datay)1. Waajib oofin. 2. Wax cid lagu lahaa ama laga tirsanayey ka goosasho. 3. Caruur buuryo ka goyn.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gudo ↴
jaaso [m.dh] (-ooyin, m.l)
Wax looga gudo qof xumaan sameeyey.
qaad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Wax meel yiil meel kale geyn. 2. (f.g) Wax gudo leh in ku filan ku shubid. 3. (f.g) Wax meel yiil kor u hinjin. 4. (f.g) Ciil, ceeb iwm meel kala tegid. 5. (f.g) Hanti dhicid. 6. (f.g) Nafley cudur ku dhicid. 7. (f.g) Hees ku luuqayn. 8. Yibir cid habaarid. 9. (f.g) Hadal, arrin iwm carrab ku dhufasho. 10. (f.g) Jaad cunid. 11. (f.mg) Roob feerid. 12. Dabool ka q., dub ka q.: wax daahsoonaa sheegid.
xalfoof [m.l] (-fyo, m.dh)
1. Dhuun weyn oo salka baruur ku leh oo wadnaha ka dillaacda. 2. Wax kastoo gudo leh oo aan adkayn, ama korka ka adag iyagoo hoos iyo gudaha ka mootaan.
yuub [m.l] (-bab, m.l)
Wiilasha la gudo cadka laga gooynaayo; buuryo; beejo.
aargudo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-utay, -udatay)
ld aargud.
dhexmar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Wax badan oo meel wada jooga ama meel ku wada yaal (dad, xoolo, dhir, bad iwm) ama gudo leh (aqal iwm) ama dalool (dhuun iwm) dhexdood marid.
falanqee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-qeeyay, -qaysay)
Arrin si dhab ah uga doodid; arrin u kuurgelid, arrin gudo gelid.
fasas [m.l]
1. (daaw.) Caallir dhaawac yeesho. 2. F. ah: neef si wada jir ah loo qasho, qofkii lahaana hadhow si wadajir ah loogu gudo.
gudasho [m.f.dh]
eeg gudo².