guduudan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-dnaa, -dnayd)Wax midab guduud ah leh ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh guduudan ↴
aajur [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Jaajuur yaryar oo ka samaysan dhoobo guduudan oo wax lagu dhiso.
yaanyo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
(bot.) Miro guduudan ama cillaan xigeen ah oo la cuno iyagoo ceerin ama bisil; inta badan iidaankaa lagu daraa.
haad-ka-adag [m.dh]
Shimbir galleyrka u eg oo madax weyn, majo guduudan iyo ciddiyo
dhaadheer leh.
xamar [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
X. ah: midab guduudan.
aboodi [m.l] (-iyo, m.dh)
Nooc haadda ka mid ah oo xagga weynaanta u dhaxeeya gorgorka iyo coomaaddaha, oo habeenkii dhulka u hoyda oo afka luguha iyo baalasha dhinacyadooda guduudan.
abuuddoocan [m.dh]
Timir yaryar, guduudan, aad u macaan oo ka baxda degmada Doocan ee Yaman. ld abuuddocan.
baalquraanle [m.l]
Nooc ka mid ah ayaxa oo baalal guduudan oo xardhan leh.
baasarce [m.l]
Nooc ka mid ah bariiska oo leh dhuux guduudan oo macaan. ld baasarac.
bahgaatama [m.dh]
Dugaagga intooda gaadmada wax ku dila oo ay ka mid yihiin libaaxa, shabeelka, haramcaska iyo guduudanaha.
boromiin [m.dh]
(kiim.) Curiye hoor ah oo guduudan, firfircoonidiisuna heer dhexe tahay, kana tirsan haloojinnada (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyayaasha).
guduud [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Midab dhiigga u eg.