gufar
(m.l)

Wax yar oo adag oo hoos uga degey hoore meel ku jira.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gufar

urgun [m.l] (-unno, m.dh)
Hoore adkaaday oo weel salkiisa ku haray, gufar.

huubo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Meel qatar ah. 2. God aan si fiican loo arki karin oo lagu dhici karo. 3. Gufarka weel salkiis ku hara.

maaxi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Ceel biyihiisa muddo u deyn si uu maax u yeesho. 2. Biyo calowsan muddo dhigid si gufarku uga fariisto.

qashir [m.l]
1. Qayb ka mid ah qaybaha xabbadda badanaa ka samaysan maar, leh qaabka dhululubada, oo ay ku dhex jirto baaruud, afka horena ku wadata sulub. 2. Gufarka caleenta shaaha ama bunka oo weelka salkiisa ku hara. ld gashir, qashar.

tumayo [m.dh]
Qare la miiray gufarka ka hara.

xanto [m.dh]
1. Xayaabo kor ka soo marta subag la shiilayo. 2. Gufarka hoos fariista subag la shiilay. 3. Ciyaar carruureed hadba kan wax taabtaa cararayo oo ay rayn tahay haddii uu galo yoolka isagoo aan la taaban.

guf [m.l] (-faf, m.l)
1. Cad yar oo maro ah weelasha haruubkooda lagu cufeyo. 2. Hambo. 3. Maro.

guf [m.dh]
Hanti yar oo la siiyo qaraabada ama waalidka gabar la aroosay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg