gummud
(m.l) (-dyo, m.dh)1. Dabo sigaar; haash. 2. Wax la jaray sida gacan iwm inta ka harta.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gummud ↴
xamaarato [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Nafleyda inteeda xamaa-rasho ku socota: waxay leeyihiin lugo gaag-gaaban oo gummudyo la moodo (diin, ya-xaas, kd.).
jifaa [m.l] (-aayaal, m.l/dh)
Jirrid jiif u baxda dhulka korkiisa oo xididdo ku yeelata gummudyo yar yar, kuwaas oo geedo cusubi ka soo baxaan xididdadaas.
limfosayt [m.l] (-tyo, m.dh)
(c.nafl.) Nooc ka mid ah unugyada cad cad ee dhiigga oo leh bu'ballaadhan iyo saytoobalaasam yar. Limfosaytyadu waxay ku samaysanyihiin gummudka limfka, waxaanay soo saaraan ilaa rubuc ka mid ah unugyada cad cad. Muhimad weyn ayey ku leeyihiin xagga difaaca jidhka, waxaanay masu'uul ka yihiin falgallada ka baxeed marka ay jirto nashaadin lid jidh-dhaliye si loo soo saaro lid jidh-gale.
muruq sisiban [m.l] (-no, m.dh)
(c.nafl.) Muruq waxqabadkiisa aan la xukumi karin, xukunkiisu waxa uu hoos yimaadaa habdhiska dareenwadka dhexe. Muruq iraadla'oo ka kooban unugyo dhaadheer oo qaab toobin oo kale ah oo aan miiqnayn. Unugyadaas waxa loo helaa keli keli, kooxo ama waxay ku fidsanyihiin maqaarka, waxay ku wareegsanyihiin gummudka timaha, waxa kale oo laga helaa marinka dheefshiidka, marinka hawada, marin kaadi taranka iyo habdhiska wareegga dhiigga.