guntan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-amay, -antay; -ami)1. Xarig iwm wax la guntay noqosho. 2. Dhiig iwm wax fariistay noqosho.
guntan
(f.g/mg4) (-naa, -nayd)1. (f.g) Wax qaarka dambe maro uga xiran ahaansho. 2 (f.mg) Xarig iwm wax guntin leh ahaansho. 3. (f.mg) Dhiig iwm wax fadhiya ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh guntan ↴
raan [m.dh] (-aamo, m.l)
1. Miiqyo dun ah oo isku maran oo maro dacalkeeda laga laallaadsho. 2. Timo ama dhogor isku guntan. 3. Geed laamihiisa buulal shimbi-reed ama cutubcutub miro ahi ka laal-laadaan.
guntamid [m.f.dh]
eeg guntan¹.
guntanaan [m.f.dh]
eeg guntan. ld guntanaansho.
guntanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld guntanaan.
guntane [m.l]
Bayd faal oo manjaha ka ah labo, saddexda hogood oo kalana min hal.
xanjeero [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
1. Ilmo carruur ah xambaarasho. 2. Maro la guntanyahay kor u xaydasho.
xaydo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-ytay, -ydatay)
Maro la guntanyahay kor u qaadasho.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg