guurre
(m.l)Orod gaaban; rucle.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh guurre ↴
guurree [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-reeyay, -reysay)
1. (f.g) Cid hagardaamayn. 2. (f.mg) Rucleyn (orod).
guurreyn [m.f.dh]
eeg guurree.
guur [m.l]
1. Xiriir mideynaya nin iyo naag ayadoo wada noolaanshahooda lagu saleynayo heshiis sharciyeysan oo dammaanad u ah xaas inuu unkamo. 2. Meel la degganaa ka tegid (cid, reer, dad).
guur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Reer meel uu degganaa ka guurid, ayadoo uu meel kale degayo.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg