halas
(m.l)

ld halase.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh halas

dhalashadadii ciise [m.dh]
(dii.) Ciid karishtaanka ay u ciidaan markii uu dhashay Nebi Ciise 25 bisha Diseember.

dhalasho [m.f.dh]
1. Qof isir ama jinsiyad ahaan meesha uu ka soo jeedo. 2. ld dhalad. eeg dhalo².

farahalasho [m.f.dh]
eeg farahalo.

halase [m.l]
Dab korka dambas ka saaran-yahay hoosna ka nool. ld halas.

ku dhalasho [m.dh]
(baay.) Xaalad qof ku dhasho sida badanna uu waalidka ka dhaxlay.

tiro-dhalasho [m.dh]
Lambarka dhallaanka nool oo sannad gudihiis dhasha 1000 kii naagood da'doodu u dhexeysa (15-44) sano da'da dhalidda.

hal [m.l] (-lo, m.l)
1. Tirada eber iyo laba u dhexeysa; kow. Tus. “Wuxuu dhalay hal wiil iyo hal gabar”. 2. Eray; hadal. 3. H. ah: Wax isku duuban ama wada jira. Tus. “Annagu hal baynu nahay”. 4. Meel; xag. Tus. “Halkan dhig: meeshan dhig”.

hal [m.dh] (-lo, m.l)
Neef geel dhedig ah oo curtay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg