halow
(m.l)1. Midab madow oo dabku ku reebo wax gubtey. 2. Kulka ololka dabka ka soo baxa.
halow
(m.dh)1. ld galow. Meesha godan ee ay iska galaan luqunta iyo sakaarka; dhuun, rubad. 2. H. ah: waddo haloosi ah.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh halow ↴
afdhalow [m.l]
Cudur afka dadka iyo xoolaha ku dhaca oo bushimaha nabarro u yeela. ld afgorofow.
bahalow [m.l]
ld bahaloobid.
bahalow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
1. Bahal noqosho. 2. Waraaboobid.
dhalow [m.l]
Qof aad u da'weyn oo carruuroobay.
dhalow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Qof aad u weyn oo carruuroobay noqosho.
galow [m.dh]
ld halow.
horudhalow [m.l] (-wyo, m.dh)
Fool beenaad xoolaha qabata oo calaamadihii foosha leh.
hal [m.l] (-lo, m.l)
1. Tirada eber iyo laba u dhexeysa; kow. Tus. “Wuxuu dhalay hal wiil iyo hal gabar”. 2. Eray; hadal. 3. H. ah: Wax isku duuban ama wada jira. Tus. “Annagu hal baynu nahay”. 4. Meel; xag. Tus. “Halkan dhig: meeshan dhig”.
hal [m.dh] (-lo, m.l)
Neef geel dhedig ah oo curtay.