halwi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. Wax dab ku madoobayn ama ku midabayn. 2. Wax la iibinayo qiimahooda mid ka yar ku gadid. 3. ld qalwi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh halwi

halwin [m.f.dh]
1. ld halwis. eeg halwi. 2. ld qalwin.

halwis [m.l]
Miro qolof ka saarid. ld halwin (1).

qalwi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Hilib iwm holac ku dubid. 2. Weel iwm holac ku diirin. 3. Fuud, dawo iwm nafley afka uga shubid. ld halwi.

qalwin [m.f.dh]
eeg qalwi. ld halwin.

shalwi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax meel hoos u dheer oo ciriiri ah ku ridid.

shalwin [m.f.dh]
eeg shalwi.

hal [m.l] (-lo, m.l)
1. Tirada eber iyo laba u dhexeysa; kow. Tus. “Wuxuu dhalay hal wiil iyo hal gabar”. 2. Eray; hadal. 3. H. ah: Wax isku duuban ama wada jira. Tus. “Annagu hal baynu nahay”. 4. Meel; xag. Tus. “Halkan dhig: meeshan dhig”.

hal [m.dh] (-lo, m.l)
Neef geel dhedig ah oo curtay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg