hamuu
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective)

Digir duban oo marka la karinayo aan si fiican loo bislayn. ld hamuu'.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hamuu

haalaati [m.l]
Dareenka ku dhasha qof marka uu waayo wax uu caadeystey, sida sigaarka iwm; xaraarad; hamuun. ld halaati, halalaati. xaraarad, hamuun, halaati, halalaati

halac [m.l]
1. Uumi kulul. 2. Olol. 3. H. ah: qof hamuun gorayo leh ama aad u cir weyn.

hamuu' [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
ld hamuu.

hamuudo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Nagaar dhulka ku faalala oo miro yaryar, dhannaan oo la cuno leh.

hamuuman [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-mnaa, -mnayd)
Qof hammuun qaba ahaansho.

hamuumid [m.dh]
eeg hamuun².

hamuumnaan [m.f.dh]
eeg hamuuman. ld hammuumnaansho.

hamuumnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld hamuumnaan.

hamuun [m.dh]
Rabitaan saa'id ah oo cunto loo qabo aroortii.

ham [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
H. dheh/ h. siin: cod lagu muujiyo cantuugo aad u weyn samayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg