han
(m.l)

Isla weynaan aan kibir ku jirin; qab.

Hangeeyo*


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Hansame*

Hansame..... Waa magac Soomaaliyeed anigu sameetey una buxiyey inankayga 2000kii. Micnihiisu waa kii hanka wanaagsanaa = han+same.


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Hankool*

waxaa loo isticmaalaa reera marka uu guuro ayaa ooda lagu oodayo xaalaha ama xitaa guriga reerka marka gudinta lagu soo jaro ayaa lagu soo jiidaa ka dibna isla ayadii ayaa lagu dhisaa moorada xooolaha


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Macne Dheeraad ah

waa geed kamid ah dhirta cagaaran ee aan caleynta laheyn dadkuna cunaan iyo leh dhadhan dhaansi ah 

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh han

aakhirutahan [m.l]
eeg aakhir. aakhir

qaab [m.l] (-bab, m.l)
1. Hannaanka wax leeyahay. 2. Hab. 3. Caano garoor ah. 4. Caano yar oo garoor ah oo caanaha dhayda ah lagu daro si ay durba garoor u noqdaan; salsal; khamiir. hab

baabso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Dareen iyo feejignaan qof leeyahay soo jiidasho. 2. Qof, hanti uusan lahayn u qiil dayasho.

baad [m.dh]
1. Hanti qof ama dadkii laga adkaado baxsho. 2. Hadiyad la siiyo qof madax ah.

baad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Qof laga adag yahay hanti khasab uga qaadid.

baahan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-hnaa, -hnayd)
1. Wax baahi hayso ahaansho (nafley). 2. U b.: wax wax u mucurtaysan ahaansho.

baahee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-heeyay, -heysay)
U b.: qof ama dad dhibaateysan hanti u uruurin.

gaalis-xidhan [m.l] (-syo ..., m.dh)
(xis.) Urur ka kooban tirooyinka u dhexeeya laba tiro oo la isa siiyey oo ay ku jiraan bar dhammaadyada. Gaaliska xidhan ee u dhexeyaa laba tiro oo maangal ah a iyo b waxa loo qoraa [a,b]. Marka gaaliska xidhan lagu muujinayo xarriiq tiro bar dhammaadyada waxa ugu calaamadeeyaa goobo gudahooda la madoobeeyay.

haaneed [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Hal iyadoo bidixda laga taaganyahay haruubka jilibka lagu hayo lisid. 2. ld haneedi. ld haaneedi. haneedi, haaneedi

haaneedi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Haaneed ka dhigid; qurxin. 2. Lisid u diyaarin (geed). 3. ld haneed². haneed

h [m.dh]
(ha') Xarafka siddeedaad ee farta soomaaliga, ahna shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg