hangool
(m.l) (-llo, m.dh)

Qalab qori oh oo labo gantood iyo gar soo godan leh oo reermiyigu xoolaha ku ootaan. ld hankool.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hangool

daddaabbe [m.l] (-bayaal, m.l/dh)
1. Xarig si isweydar ah lug iyo jeeni loogu xiro geela; weydaar. 2. Xarig la iskula xiro qoorta iyo xabadka faraska si uusan aad ugu ordin. 3. Hangool.

farraar [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-rro, m.dh)
Labada ganood ee ul, hangool, iwm hal cirif ku leeyahay midkood. ld faraar.

hankool [m.l] (-llo, m.dh)
ld hangool.

lukowle [m.l]
Ciyaar hal lug lagu tartamo; hangoole.

shacee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-ceeyay, -ceysay)
Ood qoyan oo wax lagu oodayo si ayan daldalool u yeelan, isuguna cufanto hangool ku riixid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg