haniye
(m.l) (-yayaal, m.l/dh)

Labada carrab oo yaryar oo ku yaal qalalka wadnaha: dhiigga wadnaha soo gelaya ayay soo daayaan oo soo wareegaan inuu dib u noqodana u diidaan.

haniye
(m.l) (-yayaal, m.l/dh)

(c.nafl.) Sooh qaab gaar ah leh oo ay xubnaha qaarkood oo qaab dhuumeed leh u yaal ama meelo ciriiriya socoshada dareere dhex maraya, xubnahaas oo hal jiho oo keliya oo sii deynaya. Gufafku waxay lagama maarmaan u yihiin: aroorrada, wadnaha iyo xididdada liinfada.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh haniye

haniye-seddex-faraale [m.l]
(c.nafl.) Gufka u dhexeeya qolqolka sare ee midig iyo qolqolka hoose ee midig, wuxuu leeyahay saddex farood oo u sii daaya dhiigga ka yimaada qolqolka sare in uu ku shubmo qolqolka hoose, wuxuuna celiya in dhiigu kor u soo noqdo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg