hanjab
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-bay, -btay)

U h.: qof u cagajuglayn. ld hanjan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hanjab

boolixooftee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-teeyay, -teysay)
U b.: faan iyo hanjabaad cid u jeedin. ld boolaxooftee.

boolixoofto [m.dh]
Faan iyo hanjabaad been ah oo cid loo jeediyo. ld boolaxoofto.

bootee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-teeyay, -taysay)
U b.: faan iyo hanjabaad been ah cid u jeedin.

booto [m.dh]
Faan iyo hanjabaad been ah oo cid lagu cabsi gelinayo.

bootoole [m.l] (-tayaal, m.l/dh)
Qof faan iyo hanjabaad badan. ld bootaale.

dhanjab [m.l]
Neef xoola ah wax jirro ka muuqata. ld ganjab.

hanjabaad [m.dh]
Ereyo iyo cagajuglayn cid lagu cabsi gelinayo. ld hanjabid.

hanjabid [m.f.dh]
eeg hanjab. ld hanjabaad, hanjabo, hanjamaad, hanjamid, hanja-mo.

hanjabo [m.dh]
ld hanjabid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg