hanti
(m.dh)

1. Wax mood iyo nool ah ee cidi leedahay. 2. Maal badan.

hanti
(Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2) (-iyay, -iday/isay; -iyi)

1. Wax mas'uuliyaddooda ka adkaansho. 2. Wax lahaanshihiisa la wareegid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hanti

baabso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Dareen iyo feejignaan qof leeyahay soo jiidasho. 2. Qof, hanti uusan lahayn u qiil dayasho.

baad [m.dh]
1. Hanti qof ama dadkii laga adkaado baxsho. 2. Hadiyad la siiyo qof madax ah.

baad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Qof laga adag yahay hanti khasab uga qaadid.

baahee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-heeyay, -heysay)
U b.: qof ama dad dhibaateysan hanti u uruurin.

jaa'ifo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Nabar wejiga la gaarsiiyo oo foolxumo reeba. 2. Hanti la siiyo qof jaa-ifo loo geystey.

maal [m.l]
1. Hanti. 2. ld maashi. (-lal, m.l) Neef irmaan oo cid la ammaanaysiiyo si uu u intifaacsado. 3. ld maalid.

maalgeli [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Mashruuc hantigelin si loo hormariyo.

maalqabeen [m.l] (-nno, m.dh)
Qof hanti badan leh.

naajax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -jixi)
1. Midho ama arrin wax bislaaday noqosho. 2. Hanti badan yeelasho. 3. Arrin raalli ka noqosho.

qaad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Wax meel yiil meel kale geyn. 2. (f.g) Wax gudo leh in ku filan ku shubid. 3. (f.g) Wax meel yiil kor u hinjin. 4. (f.g) Ciil, ceeb iwm meel kala tegid. 5. (f.g) Hanti dhicid. 6. (f.g) Nafley cudur ku dhicid. 7. (f.g) Hees ku luuqayn. 8. Yibir cid habaarid. 9. (f.g) Hadal, arrin iwm carrab ku dhufasho. 10. (f.g) Jaad cunid. 11. (f.mg) Roob feerid. 12. Dabool ka q., dub ka q.: wax daahsoonaa sheegid.

han [m.l]
Isla weynaan aan kibir ku jirin; qab.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg