hantiwadaag
(m.l)

Hab dhaqan-dhaqaale oo qalabka waxsoosaarka iyo waxa la soo saaraba dadweynuhu u simanyahay.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hantiwadaag

hantiwadaag-dawladeed [m.l]
(siyaa.) Qaran siyaasaddiisa iyo dhaqaalahiisu ku nidaamsanyahay mabda'a hantiwadaagga.

hantiwadaagee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-geeyay, -geysay)
Hanti gaar ah hanti guud ka dhigid.

hantiwadaageyn [m.f.dh]
eeg hantiwadaagee.

hantiwadaagnimo [m.dh]
Hantiwadaag ahaansho.

hawlwadaag [m.l]
Ishtiraakiya; hantiwadaag.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg