hareer
(m.dh) (-ro, m.l)

Dhinac; barbar.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hareer

ogog [m.l]
Meel, wax iwm hareeraheeda.

caad [m.dh]
1. Meel dhagax ballaaran oo siman leh oo ciid ku hareereysantahay oo biyaha celisa. 2. C.daas joog/c.daas mar: wax buux ah (weel); qof fiican.

daaf [m.dh] (-fo, m.l)
Doc; dinac; hareer. doc, dinac, hareer

eegi [m.dh] (-iyaal, m.l)
Meel sarreysa oo si fiican hareeraha looga arki karo.

faalal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Agagaar, hareer. 2. Socod aan meel lagu tegin. 3. ld faalalid. faalalid

gaaf [m.l] (-faf, m.l)
1. Xaflad loo sameeyo labada is aroosay maalinta ay toddoba baxayaan. 2. Dhisme ku meelgaar ah. 3. Kaltan. 4. Dad shir u fadhiya looga arrinsanayo xaajo waxku'ool ah. 5. Hareer. 6. Dibad. 7. Meesha gorayada ku dhasho. 8. Midab geelu yeesho oo madow xigeen ah.

kaalandar [m.l] (-ooyin, m.l)
(c.fal.) Nidaam loo qaybiyo waqtiga aminno go'an oo halbeegyada dabiiciga ahi yihiin maalinta (ku wareegga dhulka ee dhidib-dhexaadkiisa) iyo sannadka (ku wareegga dayaxa ee dhulka) iyo toddobaadku waa qaybo lagu heshiiyay. Wareegga dhulka ee qorraxdu wuxuu qaataa waqti dhan 365 maalmood, shan saacadood, 48 daqii-qadood iyo 46 ilbiriqsi. Samaynta kaa-landarka waxaa lagala kulmaa dhibaa-tooyin, haddii wareegga dayaxa ee dhulka hareerihiisa oo qaato halbeeg dabiici ah, waayo, wareeg noq-noqoshada dayaxa ee 12 jeer ahi wuxuu u dhigmaa 364 maalmood, ka qorraxda laga isaabiyaana waa 365 maalmood.

rabadin [m.l] (-nno, m.dh)
1. Meel la degi karo oo bannaan hareerahana dhir ama buuro ka xigaan. 2. Xero; hoy.

ag [m.dh] (-go, m.l)
Meel inta u dhow ama hareerka kaga xeeran.

agagaar [m.l]
Wax meelaha ku dhow ee hareeraha kaga xeeran. ld agaggaar.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg