hargab
(m.l)

Xanuun qufac, hindhiso iyo xummad leh oo dadka ku dhaca; duray. ld hergeb.

hargab
(m.l)

Cudur muddo gaaban oo la is qaadsiiyo waxaana keena fiirus. Wuxuu ku dhacaa xubnaha neef mareenka.

hargab
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-bay, -btay)

Duray qaadid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hargab

diif [m.l]
Biyaha iyo qoyaanka kale oo sanka ka yimaada, durey ama hargab dartiis; siin. ld duuf¹ (2).

hargabid [m.f.dh]
eeg hargab³.

hargabsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax hargab hayo ahaansho.

hargabsanaan [m.f.dh]
eeg hargabsan. ld hargabsanaansho.

hargabsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld hargabsanaan.

hergeb [m.l]
ld hargab¹.

hergebsanaan [m.dh]
ld hargabsanaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg