harqaan
(m.l) (-nno, m.dh)

1. Dhul beereed, aan carro madow ahayn, ee dhagxaanta iyo carro guduuddu ku badantahay, oo dhulka adablaha ah xagga dhagaxa ka xiga. 2. ld kharqaan, sharqaan. Makiinad dharka lagu tolo.

harqaan
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-aamay, -aantay)

Dhar makiinad ku tolid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh harqaan

dhartol [m.l] (-llo, m.dh)
Dawaarle, harqaanle. ld dhartole.

eyddin [m.dh] (-imo, m.l)
1. Xanuun daran oo saableyda wareema; oof. 2. Noocyada geela mid ka mid ah. 3. Meesha qodaxdu muddo nabar ka samaysan. 4. Tolliin gacmeed ka horreeya tolliinka harqaanka.

harqaamid [m.f.dh]
eeg harqaan².

harqaanle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Qof dharka makiinad ku tola. ld kharqaanle, sharqaanle.

kharqaan [m.l]
ld harqaan.

kharqaanle [m.l]
ld harqaanle.

sagsaag [m.l] (-gyo, m.dh)
1. Googoynta shaqo loo googooyo. 2. Si isweydaar ah oo makiinadda harqaanku dunta dharka ugu tosho. 3. S. ah: qof aan si joogto ah u imaan oo googoys badan. 4. S. ah: makiinad harqaan oo si isweydaar ah wax u tosha.

sagsaag [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Hawl iwm ka maqnaansho. 2. Hawl si xun u qabasho. 3. Harqaan si isdhaafdhaafsan dhar ugu tolid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg