harqo
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-qaday, -qatay)

1. Nafley biyo ku hafasho. 2. Nafley wax aad uga dhergid. ld hirqo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh harqo

dharqo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-qaday, -qatay)
Ka dh.: noole, cunto ama cabbid ka dhergid.

harqasho [m.f.dh]
eeg harqo. ld harqad (3), hirqad, hirqasho.

harqood [m.l] (-dyo, m.dh)
Qalab ay jiidaan laba dibi oo beeraha lagu falo.

harqoodaal [m.l] (-llo, m.dh)
Harka galabtii walxaha iyo nafleydu yeeshaan.

hirqo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-qaday, -qatay)
1. Biyo weel ka buuxsasho. 2. Cunto ama biyo si aad ah uga dhergid. ld harqo.

irfi [m.dh] (-iyo/-iyaal, m.l/dh)
Bir dheer, dhulka jeexda oo harqoodka ku taal.

marashi [m.dh]
1. ld marasho 1. Dharka ninku siiyo naagta uu qabo. 2. (-iyo, m.dh/-iyaal, m.l./dh) Harqoodka qaybtiisa birta ah ee dhulka gasha.

minaaq [m.l] (-qyo, m.dh)
Laba qori oo yaryar oo darafyadooda sare harqoodka galaan, darafyada hoosana indhali isu hayso, oo dibiga qoortiisu ku dhex jirto.

har [m.l] (-rar, m.l)
1. Wax if qabtay hooska uu bixiyo. 2. Meel dusha ka dedan, waab, guri iwm hooskooda qabow.

har [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Digo iwm meel ka xaarid. 2. (f.mg) Safar iwm dad u bixi lahaa mid ka mid ah ka baaqasho. 3. (f.mg) Qof dad uu la socday ka gaabin. 4. (f.mg) Wax la isticmaalay in yar ka baaqi noqosho. 5. (f.mg) U h.: qof dhintay xoolo ka dhaxlid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg