heerkul
(m.l) (-lyo/-lo, m.l/dh)

(fiis.) Garaadaha kulka shay, inta baddanna waxaa lagu cabbiraa qiyaasta garaadaha santigiraydh (selsis) ama qiyaasta fahranhayt ama waxa lagu qiyaasaa heerkulbeeg.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh heerkul

eber sugan [m.l] (fiis.)
Heerkulka ugu hooseeya ee aragti ahaan suurtagala. Waa heerkulka tamar socodka molikiyuulada iyo atamadu uu ugu hooseyo, wuxuuna u dhigmaa - 273.15 C ama -459.67 F.

kaahin-dulmadow [m.dh]
(fiis.) Kaahinta kuleed ee ay dulmadow bixiso heer kasta ee heerkul, lehna filiqsanaan tamareed oo leh muuqaalka jeegaanta.

kaalori [m.l] (-iyaal, m.l/dh)
(fiis.) K. halbeeg. Xaddiga kulka ee loogu baahdo in uu heerkulka 1 garaam oo biyo ah kor u qaado 1° C (1° K). Halbeegga kaalori beryahan looma adeegsado xisaabinta fisikaad, waxana la qaataa Juul. 1 kaalori =4.1868 juul.

kaalsiyam [m.dh]
(kiim.) Bir firfircoon oo jilicsan, heerkul hoosana ku dhalaasha. Waa curiyaha saddexaad ee ururka II ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay ku badantahay jeesada ama dhagaxa didibka iyada oo ah CaCO3, jibsimka iyada oo ah CaSO4 2H2 O, jibsim ooman iyada oo ah CaSO4, faloorasbaar iyada oo ah CaF2 iyo abatayt iyada oo ah CaF2 Ca3 (PO4). Marka kaalsiyam lagu gubo meel hawo leh, waxa samaysma kaalsiyam ogsaydh (CaO) oo ah adke yooneed oo cad, waxase ka habboon in ogsaydhka laga diyaariyo kaarbooneytyada kaalsiyam kaas oo u kala baxa ilaa 800° C. Ogsaydhka iyo birta nafteeduba waxay sameeyaan haydarog-saydh (Ca(OH)2) marka ay la falgalaan biyaha.ù

uumibax [m.dh] (-xyo, m.dh)
1. (fiis.) Isbedelka wejiga hoorku ku noqdo neef ama uumi. Uumibixinta waxay ku dhici kartaa heerkul kasta, dhakhsaheeduna wuxuu la kordhaa heerkulka. 2. (fiis.) Dariiqadda walaxi isaga beddesho dareere isuguna beddesho heerka uumiga ama biyaha hawada ku jira.

waagii barafka [m.l]
(waayahii ..., m.l) (jool.) Waa jiyoolojiyeed oo baraf gogollo ah iyo baraf weyneyaal ay dabooleen badad badan oo qaaradaha ah, meelaha qaarkoodna barafku wuxuuba gaaray badaha, wuxuuna hoos u dhigay heerkulkii badweyneyaasha.

ammooniya [m.dh] (-mo, m.dh)
(kiim.) Neef midab laawe ah oo ur sindhiidha leh. Ammooniyadu aad ayay ugu milantaa biyaha (milanka dheregsan ee ammooniyada ah waxa ku jira, 36.9% oo ammoniya ah markuu heerkulku yahay 0° C.): milan-biyoodka ammoniya waa beys waxaana ku jira saami ammooniya ah oo madaxbannaano.

barashada badweynada [m.dh]
(juqr.) Dersidda badweynada oo ay ka mid tahay dabeecadda biyaha oo la barto dhaqaaqooda, heerkulkooda, guntooda, meesha ay ku jiifto, dhirta iyo xayawaanka, iwm.

barbarafow [m.l] (-ro ..., m.l)
(fiis.) Heerkulka hoor iyo wejigiisa adkuhu ay noqdaan kuwo isku dheelitiran, iyagoo ku sugan cadaadis beegal ah. Heerkulkaas wixii ka hooseeya hoorku wuu barafoobaa ama adkaadaa.

barkarkareed [m.dh] (-dyo, m.dh)
(fiis.) Heerkulka uu cadaadiska uumiga hoorku le'egyahay cadaadiska atmoosfeerka, taas oo uumibaxu ka muuqdo hoorka dhammaantiis.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg