hoobo
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-btay, -batay)1. Meel taag ah ka daaddegid. 2. Nafley le'asho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hoobo ↴
dhoobo [m.dh]
Ciid budo ah, qoyan oo is haysata.
dhoobo [m.dh]
(jool.) Nooc ciidda ka mid ah oo ah budo khafiifa, oo ah ma habe. Dhoobadu waxay noqotaa balaastig marka biyo lagu daro. Dhoobadu waxay ka koobantahay dhadhaabo-lakabeed iyo aluminiya.
dhoobo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-btay, -batay)
1. Meel istuumin (xoolo, dad iwm). 2. Waabaayo marsasho (fallaar). 3. Dhis (guri iwm) salaaxasho. 4. Wax dhoobo marsasho. 5. Dheri iwm dhoobo ka samaysasho.
dhoobo-guduud [m.dh]
(jool.) Nooc tuullimaad oo daboola meelaha hooseeya iyo moolka gunta bad weynta, meelahaas oo gundhererkoodu 4.000 oo mitir uu ka badanyahay; dhoobo guduudaasi waxay sida badan ka kooban tahay walaxaan orgaanig ahayn.
dhooboobid [m.f.dh]
eeg dhoobow.
dhoobow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Dhoobo noqosho.
hoobasho [m.f.dh]
eeg hoobo. ld hoobad.
hoo [m.dh]
Siinta cid wax la siiyo.
hoo [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ooyay, -oyday; -ooyi)
1. Cid wax loo soo taagay ama la siiyey qaadasho. 2. H.!: qabo!, qaado.
hoo [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-ooyay, -oysay)
1. Xoolo, dad iwm habeen meel bariisiin. 2. Xoolo, dad iwm hoy gelin. 3. Hanti aan deyn ahayn oo cid u baahan siin. ld hoy², hoyi.